687 Views

Howlgal lagu badbaadinayo Tahriibayaal ka tagay Dalka Turkiga

Howlgal lagu badbaadinayo Tahriibayaal ka tagay Dalka Turkiga
____________________________________________________________________________

Sabti: july 31  2021

Howlgal lagu badbaadinayo Tahriibayaal ka tagay Dalka Turkiga kuna sii jeeday Giriigga gaar ahaan Jasiiradda Lesbos ayaa socda, waxaana lagu guuleystay in la badbaadiyo 10-ruux sida ay sheegeen saraakiil u hadashay Maamulka Jaziiradda.

Doon ay la socdeen dadkaan ayaa degtay inkasta oo aan la sheegin sababta ka dambeysay balse waxaa la waayay saddex ruux oo ilaa haatan baadi-goobkoodu uu socdo sidaas waxaa Wakaaladda Wararka AP u sheegtay mid kamid ah saraakiisha howshaas ku howlan.

Ciidamada ilaalada Xeebaha Giriigga ayaa gacanta ku dhigay 10-ka ruux ee la badbaadiyay, waxaana ay geeyeen goob gaar ah si ay u hubiyaan xaaladda caafimaad, kadibna ay u xog-wareystaan.

Dhalashada Dadkaan si dhab ah looma shaacin balse waxaa loo badinayaa in ay kasoo jeedaan Bariga dhexe, Afrika & Qaaradda Aasiya oo tahriibayaasha badankooda ay kasoo jeedaan sida lagu ogaaday xog uruurin lagu sameeyay.

“10 ruux ayaa la badbaadiyay waxaana gacanta ku haaya Ciidanka Ilaalada Xeebaha Giriigga, marka la hubiyo caafimaadkooda waxaa lagu wareejinayaa Hay’adaha ku shaqada leh qaabilidda Tahriibayaasha oo marinaya nidaamka ay u dejiyeen soogalootiga” ayuu yiri sarkaal la hadlay Warbaahinta.

Tahriibayaasha ugu badan ee isaga kala gudubta Turkiga iyo Giriigga waxa ay u kala dhasheen Soomaaliya, Suuriya, Eretareeya, Itoobiya iyo muwaadiniin kale oo safar dheer u gala sidii ay u tagi lahaayeen Dalal dhaca Qaaradda Yurub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post