1149 Views

Akhriso:-Magacyada dad lagu la’yahay Fatahaadda Baladweyne+SAWIRO

Akhriso:-Magacyada dad lagu la’yahay Fatahaadda Baladweyne+SAWIRO
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 29, 2019 —Weli waxaa lagu la’yahay fatahaada Wabiga Shabeelle ee Magaalada baladweyne iyo doontii rogmatay dad farabadan oo isugu jiray kuwa ka tirsanaa Maamulka Hir-Shabeelle iyo qaar kamid ah Shacabka Magaalada Bladweyne.

Ilaa 11 ruux ayaa la xaqiijiyey in lagu la’yahay Nolol iyo Geeri,kuwaas oo badankood saarnaa doontii shalay rogmatay,waxaana la helay Magacyada dadka weli la la’yahay, hayeeshee baadi-goobka lagu haayo.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Dadka lagu la’yahay Fatahaadda Baladweyne

1) Sharmaake Khaliif Xassan Xoghayaha Dowlada Hoose ee Baladweyne

2) Dahabo Axmed Xassan la-taliyaha Sare ee Arrimaha haweenka Madaxweynaha Hir-Shabeelle

3) Khaliif Xassan Agaasimaha Xafiiska Duqa Baladweyne

4) Deeqow Abdi Cariif Agaasimaha waaxda Nadaafada dowlada Hoose ee Baladweyne

5) Gueleed ibraahiM IT dowlada Hoose Baladweyne

6) Cabdi Keynan (Abdi kuus) Darawalka duqa Baladweyne

7) Shariif Hassan Ganey (Shariif Carabey) Ganacsatade laakin meydkiisa saakay la helay.

8) Macalin Nuur Ganacsatade

9) Axmed Cali Cusmaan (Ahmed Ganey) Ganacsatade

10) Muscab Xuseen muuto naaquudihii doonida rogmatay

Iyo Wiil yar oo Iskuulka Sheekh Maxamed Macalin ka ahaa Fasalka Afaraad ee dugsiga Sare, kaas oo Magaciisa aan weli la helin.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment