828 Views

Xasan Sheekh oo dowladda uga digay in la carqaladeeyo banaanbaxa

Xasan Sheekh oo dowladda uga digay in la carqaladeeyo banaanbaxa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 3da Maarso, 2021:-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan-geliyo waxyaabihii ay ku heshiiyeen Xukuumadda Soomaaliya, sida Gudiyada banaanbaxa loo xilsaaray iyo kuwa dhacdadii 19-kii Febaraayo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Xasan Sheekh in  aysan jirin dad ay dowladda soo abaabushay oo loogu talo galay inay banaanbaxaas ka qeyb-galaan hadii  ay tagaana ay carqalad u arkaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in banaanbaxa Midowga Musharixiinta ku dhawaaqeen in uu qabsoomo Maalinta Sabtida ah uu yahay midkii ka baaqday 19-kii Bishii Febaraayo, isaga oo ku adkeestay in banaanbaxaas uu qabsoomayo.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in hadii qof walba uu codkiisa ku cabiri waayo aysan jirin dowladnimo iyo bani’aadanimo.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aadaya xilli Midowga Musharixiinta ay u diyaar garoobayaan Maalinta Sabtida ah ee todobaadkan in Taalada Daljirka Daahsoin inay ku qabtaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post