4140 Views

Shirka wada tashiga Jaaliyadaha Qurbo Joogta Beesha karanle North America & Europe !

Shirka wada tashiga Jaaliyadaha Qurbo Joogta Beesha karanle North America & Europe !
____________________________________________________________________________

Minneapolis | QOL | 2 September, 2018 |  Shir tala wadaag ah oo socday mudo sadax cisha ah 31/08/2018 ilaa 02/09/ 2018 oo ay u dhamaayeen Jaaliyadaha Qurba Joogta Beesha Karanle ee ku nool Waqooyiga Amerika iyo Yurub oo isugu jiray Aqoonyahano, Oday dhaqameydyo, Ganacsato iyo wax garadka beesha Rag iyo Dumarba.

Murusade-1

Waxaa shirkaa looga hadlayay arimaha Siyaasada iyo dhaqanka Beesha Murusade, shirkaa oo ay abaabulkisu lahaayeen Madasha Wadatshiga iyo Horumarinta Beelweynta Murusade ee 50/50.

Gabagabadii shirka War murtiyeed laga soo saaray shirka ayaa si weyna loogu amaanay go’aandii beeshu
ku gaareen shirweynihii lagu mideeynayay Beelweynta Karanle ee ka dhacay 27-08-2018 Hotel Dayax ee magalada Muqdisho, kaasoo ahaa mid ku soo aaday waqtigiisii.

War murtiyeedka ayaa lagu amaanay tallaabooyiinka hormarka leh ay dowladda
Federalka Soomaaliya qaaday dhanka Siyaasadda, dhaqaalaha iyo sida laga yeelayo
hannaanka hiigsiga u diyaar garawga Doorasho qof iyo cod ah 2020.

Waxaa sidoo kale Jaaliyada Beelweynta Murusade ee North America iyo Europe ay soo dhoweeyeen qodobadii kasoo baxay shirweynihii kadhacay 27-08-2018 Hotel Dayax ee lagu Mideynaayay Beelweynta Karanle.

murusade-3

Jaaliyada Beelweynta Murusade ee North America iyo Europe waxay taageero buuxda umuujisay Guddiga Farsamo ee looga dhawaaqay ee Loo xilsaaray ineey ka shaqeeyaan dib usoo celinta xaquuqda Beesha Murusade ku leedahay Dowlada Federalka iyo Dowlad Goboleedyada Beeshu degto.

Waxaa sidoo kale shrikii Jaaliyada yeelatay la isla qaatay in la diyaariyo Guddi kashaqeeya isku xirka Jalaiyada Qurbo joogta iyo Qeybaha kale ee Beesha ee ku nool Soomaaliya..

Waxaa ugu danbeeyn Jaaliyada Beelweynta Murusade amaan iyo mahad naq balaaran
usoo jeedisay Ugaaska Beesha Murusade Ugaas C/laahi Ugaas Xaashi iyo Odayaasha
dhaqanka Beesha Murusade iyo dhamaan qeybaha kala duwan sida aqoonyahanada,
siyaasiyiinta, culumada, Haweenka iyo dhalinyaradii kasoo shaqeeyay shirweynihii
lagu mideenayay Beelweynta Murusade.

murusade-27

murusade-2

besha-9

murusade-11murusade-18

Xafiiska Qaranimo North America

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment