1587 Views

Wafdi ka socda dowladda Somalia oo Magaalada Hague u tegay kiiska Badda

Wafdi ka socda dowladda Somalia oo Magaalada Hague u tegay kiiska Badda
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 10, 2021=Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar ) ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holand.

Ujeedka Wafdiga ayaa waxaa uu yahay inay gooboog ka noqdaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa ka kooban, Xeer ilaaliyaja Qaranka Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka Axmed Cali Daahir, Danjire Yuusuf Garaad Cumar  oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo Xubno kale.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa isha ku haya go’aanka Maxkamadda ICJ ay ku dhawaaqi doonto, iyada oo dowladda Kenya ay sheegtay in aysan u hoggaansami doonin go’aanka kasoo baxa Maxkamadda.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post