42 Views

Maraakiib Turkish ah oo qorsheynaya inay jebiyaan go’doominta Gaza

Maraakiib Turkish ah oo qorsheynaya inay jebiyaan go’doominta Gaza
____________________________________________________________________________

Qaar ka mida ururada samafalka ayaa isku dayaya inay jebiyan go’doominta ay Israa’iil ku hayso marinka Gaza, iyaga oo adeegsanaya maraakiib kala duwan oo sida gargaar bani’aadannimo.

Shixnaddan maraakiibta ah ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ka soo shiraacdaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Arrintan ayaa la mid ah hawlgalkii uu Turkigu sameeyey 14 sano ka hor, xilligaas oo ay khasab ku joojiyeen ciidamada Israa’iil iyaga oo dilay illaa toban qof.

Waxaa jira walaac laga muujinayo in tallaabadani ay uga sii darto xiisadda, sida uu sheegayo weriyaha VOA Dorian Jones oo ku sugan Istanbul. Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa soo koobaya.

Xigasho: VOA

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post