768 Views

Milatariga dowladaha Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis hordhac ah

Milatariga dowladaha Pakistan iyo Hindiya oo gaaray heshiis hordhac ah
____________________________________________________________________________

February 25, /2/ 2021

 Milatariga dowladaha Pakistan iyo Hindiya ayaa gaaray heshiis xabad joojin ah kaas oo ka dhaqan galaya xadka labada dal ay wadaagaan, gaar ahaan gobolka ay ku muran san yihiin ee Kashmir.

Warkan ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay milatariga dalka Pakistan, iyadoona heshiiskani yahay mid naadir ah oo ay gaareen labada dhinac.

Waxaa horay dhawr jeer u bur buray xabad joojin ay gaareen labad dal. Horaantii sanadkii hore wasaaradda arimaha dibadda Pakistan ayaa Hindiya ku eedeesay dilka 28 ruux oo shacab ah iyo dhaawaca 257 ruux oo kale oo ku sugnaa gobolka Kashmir gaar ahaan qaybta ay maamusho Pakistan.

Isla sanadkii hore dowladda Hindiya ayaa Pakistan ku eedeesay in ay dhawr jeer ku xad gudubtay xabad joojin ay gaareen.

Labadan dal ay ku hubeesan hubka sida wayn wax u gumaada ee Niyukleerka ayaa horay waxaa u dhax maray dagaalo qasaaro badan gaystay

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post