1437 Views

-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Shir Uga Qeyb Galaya Dalka Jordan

-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Oo Shir Uga Qeyb Galaya Dalka Jordan
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 08, 2018-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo shir looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah waxa loogu yeero argagaxisada uga qayb gelayaan dalka Jordan, ayaa lagu soo dhaweeyaya caasimadda dalkaas ee Amman.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan boqortooyada Jordan ayaa si heer sare ah usoo dhaweeyay ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wafdiga uu hoggaamiyo oo ay kamid yihiin wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga gudaha XFS iyo saraakiil kale.

Shirkaan oo looga hadlayo iskaashiga kahor tagga argagaxisada ayaa ra’iisul wasaare ku-xigeenku waxa ku matalayaa madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka oo lagu casuumay in mid kamid ah uu ka qayb galo hase yeeshee ay uga baaqdeen hawla kale oo muhiim ah.

Kulanka looga hadlayo iskaashiga la dagaalanka argagaxisada oo berre furmaya ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa sidii dhaqaale ahaan, ciidan ahaan iyo fikir ahaanba looga hor-tegi lahaa ficillada abaabulan ee kooxuhu ka gaystaan caalamka oo dhan.

Kulanka oo abaabulkiisa uu leeyahay boqorka Jordan ayaa waxaa kasoo qayb galaya madax ka socoto wadamo badan, waxaana la filayaa in ay kasoo baxaan qodobbo muhiim oo dhinacyadu ku heshiiyaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment