855 Views

Dowladda oo ku guuleystay in ay Qaramada Midoobay u gudbiso qorshaheeda is-bedelka cimilada

Dowladda oo  ku guuleystay in ay Qaramada Midoobay u gudbiso qorshaheeda is-bedelka cimilada
____________________________________________________________________________

Khamiis: August 5, 2021

 Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ugu dambeyn ay Qaramada Midoobay u gudbiso qorshaheeda dhinaca is-bedelka cimilada, kaas oo waafaqsan heshiiskii Paris ee la gaaray 2015-kii.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka hadlay qorshahan, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaca ka qaaday in uu faraxsanyahay in Soomaaliya ay gudbiso  qorshaheeda tabarrcaadyada Qaran ee waafaqsan heshiiskii Paris ee isbedelka cimilada.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Soomaaliya ay soo gudbisay tabarrucyadii Qaran ahaan loo qoondeeyay si waafaqsan waajibaadka caalamiga ah iyo heshiiskii Paris ee isbeddelka cimilada,” ayuu Mahdi Guuleed ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Heshiiska Paris ayaa waxaa la ansixiyey sanadkii 2015, waxaana dhinacyada laga rabay inay soo gudbiyaan tabarrucaadkooda Qaran ugu dambeyn sanadkii 2020-kii

about:blank Sidoo kale heshiiska Paris ayaa wuxuu tilmaamayaa qaab dhismeed caalami ah oo lagula dagaallamayo isbedelka cimilada ee caalamka oo dhan.

Si kastaba u jeeddada ugu weyn ee qorshahan ayaa ah  in la xoojiyo awooda wadamada caalamka ee la tacaalida saameynta is-bedelka cimilada oo lagu taageero dadaalkooda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post