858 Views

Ruushka oo sheegay in madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau ay gelisay liiska Stop list

Ruushka oo  sheegay in madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau ay gelisay liiska Stop list
____________________________________________________________________________

Arbaco: March 16, 2022

Dowladda Ruushka ayaa sheegay Talaadadii in ay madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau iyo tobannaan ka mid ah saraakiisha sarsare ee Maraykanka ay gelisay liiska ”Stop list” ee ka mamnuucaya inay dalkeeda soo galaan.

Biden ka sokow, saraakiisha Maraykanka ah ee liiskan ku jiray waxaa ka mid ah xoghayaha difaaca Lloyd Austin, madaxa CIA-da William Burns, la taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda iyo murashaxa madaxweynenimada Hillary Clinton.

Mamnuuciddan ayaa jawaab u ahayd cunaqabataynta ay Washington kusoo rogtay saraakiisha Ruushka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa markii dambe Ra’isul Wasaaraha Canada Trudeau ku dartay liiska shaqsiyaadka la cunaqabateeyey.


Cunaqabateynta Ruuushka ayaa u muuqata mid magacan u yaal ah, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay sheegtay inay sii wadeyso xiriirka rasmiga ah, haddii loo baahdona ay xaqiijineyso in xiriir lala sameeyo dadka liiska ku jira.

Reuters.

ku baaheen deegaano Soomaaliyeed oo aad u fara badan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post