1311 Views

Labo sano kadib kacdoonkii lagu tuurey al-Bashir iyo Banaanbaxyo ka curtay Suudaan.

Labo sano kadib kacdoonkii lagu tuurey al-Bashir iyo Banaanbaxyo ka curtay Suudaan.
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 30 2021

Labo sano kadib, kacdoonkii lagu tuurey kaligii taliyihii soddonka sano xukumayey Sudan, Omar al-Bashir, ayaa haddana maanta waxaa lagu wadey iney halkaasi ka dhacaan mudaaharaadyo caasimada Khartoum.

Dowladda kumeel gaarka ah ayaa soo saartey isbadalo dhaqaale oo ad adag, iyadoo markaa ku guuleysatey taageerada in caalamku amaahiyo hey’adaheeda kala duwan deyn.

Talaadadii ayey hey’dda lacagta adduunka (IMF) waxey u ansixisay Sudan laba bilyar iyo bar oo Doolar oo deyn ah.

Laakiin sicir barar aad u sarreeya, iyo joojitaanka kabka lagu sameynayey shidaalka, ayaa ka dhigtay dad badan oo Sudan u dhashey noloshooda mid aad u xun.

Sidoo kale waxaa jira walwal laga qabo in ciidamada daacadda u ah hoggaankii hore, ay baadi goobayaan iney minji xaabayaan isbadalka dimuqraadiyadeed ee dalkani ka curtey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post