237 Views

Ruushka oo burburiyay boqolkiiba 30 warshadihii korontada ee Ukraine hal toddobaad gudaheed

Ruushka oo burburiyay boqolkiiba 30 warshadihii korontada ee Ukraine hal toddobaad gudaheed
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 19, 2022

Ruushka ayaa bur-buriyay Boqolkiiba 30 Warshada korontoda sida ay ku warameyso Dowlada Ukraine.

Korontada ayaa ka baxday Caasimada Kyiv iyo gobollada kale ka dib markii warshad koronto ay ku dhaceen saddex weerar subaxnimadii Talaadada, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

Weeraradan ayaa sababay qaraxyo dhowr ah, waxaana qiiq isku shareeray magaalada, sida ay sheegeen maamulka iyo dad goob joogayaal ah.

Boqolkiiba 30 ka mid ah xarumaha korontada ee Ukraine ayaa ku burburay duqeymaha cirka ee Ruushka usbuucii la soo dhaafay, madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa ku soo qoray Twitter Talaadadii.

– Tan iyo bishii Oktoobar 10, 30 boqolkiiba xarumaha korontada ee Ukraine waa la burburiyay, taas oo sababtay mugdi weyn oo dalka oo dhan ah, ayuu qoray. Waxa uu intaa ku daray in aysan jirin meel ka harsan wada xaajoodka maamulka madaxweyne Vladimir Putin.

Waxaa jiray saddex weerar oo ka dhan ah xarumaha tamarta ee waqooyiga caasimadda, ayuu yiri Kyrylo Tymoshenko oo ku sugan xafiiska madaxtooyada Ukraine.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post