774 Views

gantaallo lala beegsaday garoonka diyaadaha ee Kabul

gantaallo lala beegsaday garoonka diyaadaha ee Kabul
____________________________________________________________________________

Isniin: August 30, 2021

Mareykanka ayaa sheegay in nidaamkiisa ka hortagga gantaalaha ee Kabul uu ka hortagay gantaallo loo riday dhanka garoonka diyaaradaha xilli Mareykanka uu qorsheynayey inuu dhammaystiro hawlgalkiisa daadgureynta

Faahfaahin dheeraad ah ayaa hadda soo baxday oo ku saabsan dhacdadii maanta

  • Mareykanka ayaa sheegay inay qabteen illaa shan gantaal oo la riday subaxnimadii hore ee saakay, qoraaladii ay horay u soo saareen kuma aysan sheegin wax khasaare ah oo Mareykanka soo gaaray, sida uu sarkaal Mareykan ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
  • Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in guryahooda ay soo dhacay haraaga gantaallada.
  • Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
  • Waqtiga kama dambaysta ah ee hawlgalka daadgureynta ee ku eg 31-ka Ogoosto, ayaa waxaa ku heshiiyay Mareykanka iyo Taalibaan, oo hadda gacanta ku haysa inta badan dalka.
  • BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post