1380 Views

Nooc ka mid ah gorgorka Gorgorka Masar oo dad ugu war dambeysay 150 sano ka hor oo lagu arkay Britain

Nooc ka mid ah gorgorka Gorgorka Masar oo dad ugu war dambeysay 150 sano ka hor oo  lagu arkay Britain
____________________________________________________________________________

June 18, 2021

Nooc ka mid ah gorgorka oo loo yaqaano Gorgorka Masar oo dad ugu war dambeysay 150 sano ka hor ayaa lagu arkay dalka Britain , taas oo ka yaabisay dadka darsa cilmiga xayawaanka, gaar ahaan kuwa dabar go’a ku dhow.

Waxaa la aaminsanyahay in tani tahay dhacdo qarnigiiba mar uun lala kulmo, iyada oo la sheegay in gorgorka yimid jasiiradda Scilly isaga oo ka yimid waqooyiga Faransiiska.

Dad badan oo shimbiraha u daawasho taga, ayaa la aaminsanyahay in ay ku qulqulaan jasiiradaasi si ay usoo arkaan haaddan dhifka ah.

Markii ugu dambeysay oo UK lagu arkay shimbirkan oo kale waxa aya ahayd 1868-dii.

Waa shimbir qadiimi ah oo lagu arkay raadadka taariikhda dalka Masar, kuwaas oo ay ka tageen dadka Faraaciinta ah, kuna xardhan gidaarada dhagaxa ah.

Meelo ay Spain iyo Faransiiska ayaa laga helaa, balse guud ahaan adduunka aad ayay usii cirib tirmaysaa shimbirkani.

Bahdan haadka ah ayaa jaan tusmayntiisa waxaa go’aan ka gaari doona Guddiga Shimbiraha Dhifka ah ee Britain, kadibna waxaa loo gudbin doonaa Guddiga Diiwaangalinta Shimbiraha ee Britain, kuwaas oo xaqiijin doona in shimbirkani yahay kan loo malaynayo.

Prof Stuart oo ka tirsan jaamacadda Exeter ayaa sheegay in aragtida shimbirtani ay tahay dhacdo dhif iyo naadir ah.

Gorgorka Masar ayaa lagu yaqaanaa in uu isaga goosho masaafo aad u dheer, isaga oo saacadiina socon kara 640 km halkii saac, islamarkaasna gaari kara masaafo dhan 5 kun oo kiilo mitir.

Waxa uu awoodda in uu inta dhagxaan afka ku qaato ku jabiyo ukumaha shimbiraha kale si uu u cuno waxa gudaha ku jira. Taas oo ka dhigan in uu yahay noolaha kaliya ee qalab u adeegsada ugaadhsiga.

Masaaridii hore ayaa aaminsanaa in gorgorka uu yahay mid barakaysan maadaamaa dhammaantood ay yihiin kuwa dhedig ah, oo kaliya ukunta ka dhasha iyaga oo aanan isu tagin.

Xigasho:- BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post