1038 Views

Trump oo ku dhawaaqay Go’aan ka dhan ah dalalka Yurub

Trump oo ku dhawaaqay Go’aan ka dhan ah dalalka Yurub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 12, 2020 —Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa si toos ah u shaaciyay in Dawladdiisu ay joojinayso duullimaadyada iyo isu socodka uga yimaada dalalka Yurub sababo la xiriira caabuqa dunida oo dhan ku faafay ee Coroona.

 

Wuxuu tilmaamay in Viruska Coroona uu gudaha Maraykanka ay dad badan u dhinteen kuwo kalena uu haleelay waliba iyagoo guryahooda iska jooga, isagoo caddeeyey in tallaabadan ay ku doonayaan inay kaga hor tagaan faafitaanka caabuqa Coroon.

 

 

 

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump wuxuu tilmaamay in xayiraadaasi ay dhaqan gelayso jimcaha beri ah isla markaana ay socon doonto muddo 30 cisho maadaama duulimaada ka yimaada Yurub ee soo aada maraykanka ay aad u badan yihiin ayna muhiim tahay in laga hor tago caabuqa Coroona sidaas ayuu ku sheegay khudbad uu si toos ah uga jeediyay warbaahinta.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment