1611 Views

Ku dhawaad 25 qof oo ku dhimatay Qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Ku dhawaad 25 qof oo ku dhimatay Qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

5-  Marso, 2021

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in uu ahaa qaraxii ugu qasaaraha badnaa ee Bilooyinkan ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad 25 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 40  kalena way ku dhaawacmeen qaraxa, sida laga soo xigtay adeegga ambalaasyada ee Aamiin Ambulance.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan  loo adeegsaday gaari noociisa lagu sheegay NOAH oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo la dhigay afaafka hore ee maqaayadda Luul-Yemeni oo aan ka fogeyn dekedda weyn ee Muqdisho iyo halka laga ilaaliyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Dhinaca kale  waxaa soo dumay guri u dhawaa maqaayadda la qarxiyey ee Luulyemeni, kaas oo loo maleynayo in burburkiisa uu dad kale ku hoos jiro, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post