324 Views

Saamileyda Twitter-ka oo oggolaaday in shirkada laga iibiyo Elon Musk

Saamileyda Twitter-ka oo oggolaaday in shirkada laga iibiyo Elon Musk
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 14, 2022

Saamileyda shirkadda Twitter-ka, ayaa u codeeyay in la ansixiyo heshiis lala galay, Elon Musk, si uu shirkadda ugu iibsado $44bn (£38bn).

Go’aanka ayaa lagu gaaray shir gaaban oo lala yeeshay maalgashadayaasha, kaasoo ka dhacay xarunta shirkadda ee magaalada San Francisco.

Waxay la macno tahay in shirkadda Twitter wixii haatan ka dannbeysa iney isku dayi doonaan iney ku qasbaan, Elon Musk, inuu shirkadda uu iibsado, iyadoo la marayo maxkamadaha.

Kulanka ayaa daba socday marag fur yimid madaxii hore ee dhanka amniga ee Twitter-ka, Peiter Zatko, oo kahor marag kacay aqalka senate-ka ee dowladda Mareykanka.

Bishii Abriil, Twitter-ka, ayaa aqbashay in shirkadda laga iibiyo qofka ugu qanisan adduunka, Elon Musk.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska ayaa horey u dhaqaaqin, kadib markii Musk uu ku eedeeyay in ay marin habaabisay shirkadda Twitter-ka waxyaabaha ku saabsan tirada dadka ka qeyb qaata dhinacyada kala duwan ee shirkadda.

Waxa uu sheegay in aanu doonayn in uu iibsado shirkadda bisha May, balse shirkadda Twitter-ka, ayaa ku doodaya in Musk aanu ka bixi karin heshiiska.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post