1452 Views

Askar Hore Gadood U Sameeysay Oo Itoobiya Lagu Xukumay

Askar Hore Gadood U Sameeysay Oo Itoobiya Lagu Xukumay
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 16, 2018 –Maxkamad Milliteri oo ku taalla Addis Abeba ayaa la soo taaagay Ciiddankii bishii October 10-dii socodka gaardiska ku galay Qasriga Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in 66 ka mid ah 200 ee Ciiddankii gadoodsanaa waxaa lagu kala xukumay xabsi u dhexeeya  5 sanno ilaa 13-sanno, halka Sarkaalkii hoggaaminayey lagu xukumay Xabsi 14-sanno ah.

Qareenkii difaacayey Ciiddankaasi oo lagu magacaabo Desalegn Dana ayaa sheegay inuu rafcaan ka qaadan doono xukunka lagu riday dhowr ka mid ah Askarta xukunka lagu riday.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed waxa uu horey ugu eedeeyey Ciiddankaasi inay doonayeen inay joojiyaan Isbedelka ka socda dEthiopia, wuxuuna xusay in xubno uusan magacaabin oo ka tirsanaa Ciiddankaasi doonayeen inay isaga ka takhalusaan.

Ciiidankaasi waxay horey u sheegeen inuu socodkooda ku salaysnaa sidii ay Ra’isul-wasaaraha uga codsan lahaayeen in loo kordhiyo Mushaarka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment