813 Views

Sudan oo xirtay koox dadka Afrikaanka ka tahriibiya xuduuda ay wadaagan Sudan Iyo Ethiopia.

Sudan oo  xirtay koox dadka Afrikaanka ka tahriibiya  xuduuda ay wadaagan Sudan Iyo Ethiopia.
____________________________________________________________________________

.June 11 2021

 Ciidamada Booliska Sudan ayaa xiray laba koox oo iyagu dadka Afrikaanka ka tahriibiya Dalkaasi Sudan gaar ahaan xuduuda ay wadaagan Sudan Iyo Ethiopia.

Booliska ayaa qabtay 23 Qof oo Somali ah iyo 56 gabdho Ethiopian ah oo laga soo xiray caasimadda sudan ee Khartum.

Booliska oo dadkaan faah faahin kabixiyay ayaa sheegay in 18 qof ay yhiin Dhalinyaro Somali ah laba haween iyo 3 caruur oo dhamaantod Somali yihiin

Kuwasi oo Soomaaliya marki ay katageen gaaray Ethiopia kadibna la damacsanaa in Sudan oo hadda lagu qabtay laga sii ambabixiyo.

3 Qof oo udhashay Sudan ayaa kiiska tahriibinta dadkaan u xiran kuwaasi oo waday labada gaari ay saarnaayen ee gacanta lagu dhigay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post