1413 Views

Guddigii dabagalka Qaramada Midoobey ee Somaliya iyo Eritrea oo la kala diray

Guddigii dabagalka Qaramada Midoobey ee Somaliya iyo Eritrea oo la kala diray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 14, 2018 —Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kala diray Kooxdii Dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea u qaabilsaneyd Qaramada Midoobey.

Kulan ay xunnaha yeesheen ayaa waxaa ay ku go’aamiyeen in Guddigaas shaqenayay 10kii  sano ee la soo dhaafay la kala diro islamarkaana cunqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

15ka Dal ee Xubnaha ka ah Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta u codeynaya in cunaqabateynta laga qaado Dalka Eritrea,waxaana ay u baahantahay kaliya 9 cod oo ka mid ah 15ka Cod.

Eritrea ayaa cunaqabateyntan la saaray sanadkii 2009kii,markaas oo lagu eedeeyay in ay faragelin ku heysay dalalka deriska la ah sida Jabuuti iyo Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay AL-shabaab taageerto.

Eritrea ayaa diiday dhamaan eedahaas,waxaana Qaraar Qabyo ah oo ay soo gudbisay Dowladda Ingiriiska la isku raacay in maanta cunaqabateynta Hubka,Socdaalka iyo dhaqaale laga qaado Eritrea.

Guddiga la kala diray ee Monitoring Group loo aqoon jiray ayey Golaha amaanka ku beddeleen Guddiga Khubarrada Soomaaliya oo kali ah (Panel of Experts on Somalia).

Guddiga SEMG ee la kala diray ayaa la socon jiray dhaq dhaqaaqa cunaqabateynnada Saaran Soomaaliya iyo Eritrea,waxaa sidoo kale ay wax ka qori jireen dowladaha sida dadban ama tooska ah ugu lug lahaa maalgelinta Al-shabab.

Guddiga cusub ee u gaarka ah Soomaaliya ayaa shaqeyn doona ilaa 15ka December 2019,waxaana uu heystaa muddo  xileed Hal Sano ah.

Tirada Guddigan ayaa la isku khilaafsanyahay ilaa hadda, Dowladda Ruushka ayaa soo jeedisay in laga dhigo 5 Xubnood,laakiin xubnaha kale ee Golaha ayaa doonaya in la gaarsiiyo ilaa lix xubnood.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment