900 Views

Golaha guud ee QM oo canbaareeyay af-genbiga Maali

Golaha guud ee QM oo canbaareeyay af-genbiga Maali
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobe  Volkan Bozkir, ayaa cambaareeyay af-genbiga ka dhacay dalka Maali, wuxuuna ku baaqay in dalka lagu soo celiyo dimuquraadiyad iyadoo si nabad ah la isagu wareejinaayo xilka.

Bozkir ayaa walaac ka muujiyay xaaladda dalka Maali,wuxuuna ugu baaqay caalamka inay ka horyimaadaan af-genbiga military ee dalkaas ka dhacay.

Ciidamada dalka Maali ayaa xiray madaxweynihii kumeel gaar ahaa iyo ra’iisal wasaarihii dalkaas isniintii lasoo dhaafay, waxeyna ku qasbeen inay is casilaan.

Maxkamadda Dastuuriga ee Maali ayaa ku u dhawaaqday jimcihii in General Guetta noqdo madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post