303 Views

Madaxweynaha dalka Turkiga oo soo jeediyay in dadkiisa laga qaado afti si haweenka loogu oggolaado inay xijaab ku dhex xirtaan xarumaha dowladda,

Madaxweynaha dalka Turkiga oo   soo jeediyay in dadkiisa laga qaado afti si haweenka loogu oggolaado inay xijaab ku dhex xirtaan xarumaha dowladda,
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 23, 2022

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa soo jeediyay in dadkiisa laga qaado afti si haweenka loogu oggolaado inay xijaab ku dhex xirtaan xarumaha dowladda, iskuullada iyo jaamacadaha.

Arrintan ayaa mid aad ugu weyn Erdogan oo ah hoggaamiye muslim ah-kaasoo xisbigiisa Islaamiga ee haya awoodda uu meesha ka saaray tallaabadii in muddada ah jirtay ee haweenka ka mamnuuceysay in xijaabka ay xirtaan marka ay ku sugan yihiin xarumaha dowladda sanadkii 2013-kii.

Arrinta xijaabka haweenka ayaa bilooyinki ugu dambeeyay noqotay dood siyaasadeed ka hor doorashada guud ee Turkiga ka dhaceyso 2023-ka-arrintaas oo lagu wado inay noqoto mid kamid ah caqabadaha ugu culus ee hortaaggan maamulka Erdogan labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Erdogan wuxuu mar kasta ku tilmaamaa qaadista xayiraadda xijaabka tusaale ku aadan sida xisbigiisa uu u matalayo dadka muslmiinta isla markaana uu kasoo horjeedo xisbiyada cilmaaniga ee ka talin jiray Turkiga ka hor inta uusan ifbixin xisbigiisa sanadkii 2002-dii.

Haddii aad geesi tahay, soo bax, arrintan aan go’aan uga gaarno aftid..qaranka go’aan ha gaaro” ayuu yiri Erdogan oo farriin u dirayay hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu.

Kemal Kilicdaroglu wuxuu hoggaamiyaa xisbiga cilaamiga ee CHP, waana xisbi uu aasaasay Mustafa Kemal Ataturk.

Hogaamiyaha CHP ayaa soo jeediyay sharci dammaanad qaadaya in dumarka ay xaq u leeyihiin xirashada xijaabka si loo yareeyo cabsi kasta oo xisbigiisu uu dib ugu soo celinayo mamnuucida.

Xijaabka ayaa dood ka dhaliyay Turkiga sagaashaamadkii balse ma jiro xisbi siyaasadeed maanta soo jeedinayo in laga mamnuuco Turkiga.

Horraan waxaan sameynay khaladaad ku aadan xijaabka, ” horraantii bishan ayuu qiray Kemal Kilicdaroglu.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post