1005 Views

Ciidamada Galmudug oo la wareegay magaalada Camaara ee Gobolka Mudug

Ciidamada Galmudug oo la wareegay magaalada Camaara ee Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Isniin: August 2, 2021

Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay inay qabsadeen magaalada Camaara ee Gobolka Mudug oo ay in muddo ah ku sii siqayeen, sidaasi waxaa idaacadda VOA u sheegay mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Galmudug.

Sida ay saraakiishu sheegeen, ciidamada dowladda ayaa maanta la wareegay degaanka Camaara oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku sugnaayeen sannadihii u dambeeyey.

Saraakiisha ma aysan sheegin wax dagaal ah oo ay maanta ciidamada la kulmeen, waxayna sheegeen inay si nabad ah ay gudaha Camaara u galeen.

Dhinaca kale, ciidamada wada jira ayaa saakay la wareegay gacan ku haynta degaanka Qaycad oo muddoyinkan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab balse duqaymo cirka ah kadib ay maleeshiyaadka Al-Shabaab isaga baxeen degaankaas.

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa qoraal uu soo saaray ciidamada ugu hambalyeeyey horumarka ay sameeyeen, kuna dhiirigeliyay guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Maalintii shalay ayaa Maraykanku ay sheeegeen inay duqayn ka gaysteen degaankaas taasi oo lagu taageerayey ciidamada Soomaalida. Waa duqayntii saddexaad ee muddo ka yar laba toddobaad ay Maraykanku ka gaysteen iska degaankaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post