861 Views

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir ka dhacay Sacuudiga

Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shir ka dhacay Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 07, 2019–-Shirkii 19aad ee Hay’adda (Smiic) ee horumarinta mashaariicda sidoo kalana hòos timaada Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) oo muddo laba maalmood shir uga socday magaalada Barakeysan ee Makkah Al Mukkarama ayaa la soo gabagabeeyay.

 

Shirkaasi Soomaaliya waxaa uga qeyb galay Xogheyaha koowaad ee Ergada joogtada ee Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka Maxamuud Cumar Jowle, iyada oo looga hadlay arrimo dhowr ah.

 

Qodobada shirkaasi oo sanadkiiba mar la qabto looga hadlay ayaa waxaa kamid ah,ballaarinta mashaariicda,dhismaha casriga ah, ka Ganacsiga Hilibka xalaasha ah tayeynta saadaasha Hawada iyo qodobo kale oo waxtar weyn u leh Ururka Iskaashiga Islaamka.

 

Xubnaha Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa ay isku raaceen dejinta miisaaniyadda Hay’adda (Smiic) ee 2020, fududeynta saamiyadda dalalka Xubnaha ka ah hay’adda iyo sidii loogu dhiragelin lahaa howlaha ay ka wado wadamada Islaamka.

 

Hay’adda  (Smiic) ayaa waxaa la Aas’aasay sanadkii 2010,waxaana Xarunteeda ay ku taallaa dalka turkiga, iyada oo shirka 20aad la filayo in lagu qabto magaalada Barakeysan ee Makkah Al Mukkarama ee dalka Sacuudiga Islaamka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment