417 Views

Tirada Dadka Adduunka ku nool oo Maanta Gaartay 8 Bilyan Oo Qof!

Tirada Dadka Adduunka ku nool oo Maanta Gaartay 8 Bilyan Oo Qof!
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 15, 2022

Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in Cunuggii 8 bilyanaad ee Bani’adamka maanta nool uu dhashay 3 saacadood ka hor sidaasna dadka Adduunku maanta gaaray 8 Bilyan oo qof.

Waxaa ay tiradan buuxsantay 11 sano kaddib markii 7 Bilyan uu gaaray Dadka Adduunka.

Waxaa ay sidoo kale sheegtay in 15 sano qaadan karto in tirada dadka gaaraan 9 Bilyan halka ilaa 2080ka ay qaadan karto in tirada dadka Adduunku gaaraan 10Bilyan oo qof.

Sawirka idin muuqda waa labadii qof ee buuxiyay tirooyinka 7 bilyan iyo lix bilyan,waxaana lagu kala magacaabaa Sadia Sultana tirada 7 bilyan xirtay una dhalatay Bangaladesh Oishee iyo Adnan Mevic oo xiray tirada 6 bilyan una dhashay Bosnia and Herzegovina.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post