1971 Views

Xukuumadda oo loogu baaqay in ay faragelinta ka joojiso doorashada Jubbaland

Xukuumadda oo loogu baaqay in ay faragelinta ka joojiso doorashada Jubbaland
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 09, 2019 —Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya aanay sharci ahaan xaq u laheyn inay farageliso doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland.

Warka xildhibaanka ayaa yimid ka dib markii maanta Warqad digniin ah oo ah in dowladda Soomaaliya aysan aqoonsan doonin doorashadda Jubbaland ay kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Dowladda Soomaaliya in ay u hoggaansanto waxa uu farayo Dastuurka, isla markaana ka joojiso faragelinta doorashada Jubbaland

“Dhismaha hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta ee dowlad goboleedyada waa mas’uuliyad u gaar ah dowlad goboleedyada, waxaana nidaaminaya dastuurka dowlad goboleedka sida ku cad Qodobka 120aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Xildhibaan Mahad Salaad oo sii hadlayay ayaa yiri “Wasaarada Arrimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya sharci ahaan xaq uma lahan in ay farageliso doorashada dowlad goboleedka Jubbaland, Warsaxaafadeedka maalin laha ah ee ay soo saaraysana sharci wax lagu maamulo noqon maayo. Sidaas daraadeed, waa in ay ilaaliso una hoggaansanto faritaanada dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo kan dowlad goboleedka Jubaland”

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment