483 Views

Kursi doorashadiisa maanta lagu qabanayo Kismaayo

Kursi doorashadiisa maanta lagu qabanayo Kismaayo
____________________________________________________________________________

Isniin: April 18, 2022

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland, waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada kursi uu hore ugu guuleystay doorashadiisa Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow, balse uu ka geeryooday 14-kii bishii march ee sanadkaan, kadib markii la sheegay inuu kusoo booday xanuun deg deg ah isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kursiga maanta la qabanayo doorashiisa ayaa ah Kursiga HOP#079 kaas oo deegaan doorashadiisu tahay Magaalada Kismaayo ee Jubbaland.

Doorashada kursiga HOP079 waxaa ku tartameysa musharixiin dhowr ah, iyadoo ay socoto qaban qaabada dooraahada kusigaas iyo diyaar garowgii ugu dambeeyay oo ay wadaan Guddiga maamulka doorashada Jubbaland.

Alle ha unaxariistee Xildhibaan Maxamuud Muxumed Kuulow ayaa ku guuleystay doorashada kursiga HOP#079 taariikhdu markey ahayd 21-kii bishii hore ee Feberaayo, kadib doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post