162 Views

Dowladda Soomaaliya oo u mahad celiyay Bangiga Aduunka iyo IFM Doorkooda Deyn Cafinta

Dowladda Soomaaliya oo u mahad celiyay Bangiga Aduunka iyo IFM Doorkooda Deyn Cafinta
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’isul wasaare Xamse Barre ayaa hey’adaha lacagta uga mahadceliyay deyn cafinta

Ugu horreyn, Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh oo kulamo kula qaatay xarumahooda magaalada Washington ee dalka Mareykanka mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka ayaa uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiintan kala hadlay sidii hay’adahoodu ay markale Soomaaliya ugu garab istaagi lahaayeen xaqiijinta himmilooyinka dhaqaale ee u dagsan, tayaynta hay’adaha maaliyadda, kor u qaadista dakhliga iyo maalgashiga caalamiga ah, kadib markii habeenkii xalay lagu dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay 4.5 Bilyan oo Dollar, taas oo laga shaqeynayay muddo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad loogu dabaal-dagayey guushan weyn ah, ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka baxday liiska waddamada qaamaysan. taas oo horseedi doonta in dalkeenna iyo dadkeenna la aamino, isla markaana aan helno soo jiidashada maalgashadayaal caalami ah, Horumar dhaqaale, isku filnaansho amni, adeeg bulsho oo horumarsan iyo rajo u abuuridda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dhammeystirka geeddiga Deyn Cafinta Soomaaliya ay tahay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed oo uu saarnaa culeyska lacag dhan $5.2Billion, waxaana uu kaga mahadceliyay hey’addaha lacagaha adduunka uga mahadceliyay doorkii ay ka qaateen in la qaado culeyska muddo soo taagnaa.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Barnaamijka Deyn-cafinta Soomaaliya oo caawa taariikdu ay tahay 13-December 2023 Soomaaliya laga cafiyay dhammaan deyntii lagu lahaa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, oo farxada la wadaagay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ayaa waxaa uu sheegay in marxalado kala duwan ay soo martay in deynta laga cafiyo Soomaaliya, waxaa dadaal badan u galay Baarlamaanka 11-aad iyo Barlamaannadii kala duwanaa ee dalka soomaray.

Barnaamijka geediga deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2012 inkasta oo si rasmi ah uu usoo bilowday sanadkii 2016 Waxaana ay tallaabadaani ka dhigan tahay guushii 3aad ee Soomaaliya ka gaartay caqabidihii ku horgudbanaa dowlad dhiska iyo iskufinaanta, waxaana ay noqotay guul taariikhi ah, iyadoo dhowaan dalka laga qaaday cunaqabateynta hubka iyo ku biirista bulshada bariga Afrika, kuwaas oo guulo noqday.

______________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post