897 Views

Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus oo xiray xalay lagu daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee gala baarlamaanka

Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus oo  xiray xalay lagu daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee gala baarlamaanka
____________________________________________________________________________

April 12-4-2021

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub culus lagu daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee gala xarunta Villa Somalia iyo baarlamaanka, kadib markii xildhibaanada baarlamaanka loo diray fariin loogu sheegayo inuu maanta jiro kulan deg deg ah oo looga doodayo mooshin ku saabsan arrimaha “doorashooyinka.”

Wararka ayaa shegaya in Ciidamadaan ay xireen  wadooyinka gala xarunta baarlamaanka iyo Villa Somalia, waxaana la xayiray isu socodka gaadiidka, ayada oo aad loo xakameynayo dadka halkaas gelaya.

Sidoo kale Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Guddoonka baarlamaanka uu damacsan yahay inuu muddo kordhin labo sano ah u sameeyo xukuumadda iyo Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday, isagoo cuskanaaya in lagu heshiin waayay qabsoomidda doorasho dadban, sidaasi darteedna la aadi doono doorasho qof iyo cod ah mudo labo sano ah kadib oo mudo kordhin ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post