1299 Views

Ciidamada Dowladda oo Howl-gallo ka fuliyaya Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada Dowladda oo Howl-gallo ka fuliyaya Gobolka Shabeelaha Hoose.
____________________________________________________________________________

Sabti: December 25, 2021

Ciidamada Xoogga dalka  ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddooyinka soo gala Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Howlgalka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa kaalin mug leh ka qaatay Ciidanka Kumaandooska GORGOR, gaar ahaan Cutubka Miino baarista, waxaa miino baarista laga sameeyay inta u dhaxaysa degaannada Shamgare, Jowhar yareey, mubaarak iyo xaafadaha degmada Awdheegle.

Howlgalka ayaa waxaa Hogaaminayay Taliyaha Guutada 17-aad kumaandooska GORGOR ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Coll Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale.

Ciidanka gaarka ah ee Miino baarista kumaandooska GORGOR ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay soo saareen Miinooyin dhowr ah, iyagoo qarxiyey qaar kale.

Taliyaha Ciidanka Kumaandooska GORGOR ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Coll Dayax Cabdi Cabdulle ayaa ku Bogaadiyay Ciidanka Miino baarista GORGOR kaalinta ay ka qaateen fashilinta miinooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post