864 Views

Xaaladaha Covid-19 guud ahaan Caalamka oo gaartay 4 Milyan oo ruux.

Xaaladaha Covid-19 guud ahaan Caalamka oo gaartay 4 Milyan oo ruux.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 09  2020–Xaaladaha cudurka Coronavirus dadka laga helayo, Dhimashada iyo kuwa bogsaday ayaa maalinba maalinta ka dambeysay sii kordhaya, waxaana wali xayiran isugu socodka dalalka Caalamka.

Guud ahaan Caalamka dadka uu ku dhacay Coronavirus waxa ay saakay oo Sabti ah gaareen 4,014,401 (Afar Malyan, Afar iyo toban kun, Afar boqol iyo hal ruux), dhimashadu waa 276,238, (Labo boqol, todobaatan iyo lex kun, labo boqol soddon iyo siddeed ruux) halka dadka ka caafimaaday ay gaarayaan 1,387,191 (Hal malyan, saddex boqol, siddeetan iyo todobo kun, boqol, sagaashan iyo kow ruux).

Marka is barbardhig lagu sameeyo xaaladaha Bukaanada iyo halista boqoleyda 48,699 (Afartan iyo siddeed kun, lex boqol, sagaashan iyo sagaal kun) oo ka dhigan (2%) (Boqolkiiba labo), halka dadka ku sugan Xaaladda dhex-dhexaadka ama aan gaarsiisneen halista ay gaarayaan 2,302,273 (Labo Malyan, saddex boqol iyo labo kun, labo boqol, todobaatan iyo saddex) oo boqoley ahaan dhan (98%) (Sagaashan iyo siddeed boqolkiiba).

Sidoo kale waxaa isbarbar yaal boqoleyda ay kala qaateen dhimashada iyo dadka ka caafimaaday xannuunka cudurka Coronavirus oo kala gaaraya 1,387,191 (Hal Malyan, Saddex boqol, sideetan iyo todobo kun, Boqol, sagaashan iyo kow ruux) ah (83%) (Siddeetan iyo saddex boqolkiiba) dadka caafimaaday ah, halka dadka dhintay ay gaarayaan 276,238 (Labo boqol, todobaatan iyo lex kun, labo boqol, soddon iyo siddeed ruux) (17%).

Mareykanka ayaa fooqa sare uga jira xaaladda dalalka laga helay Cudurka Coronavirus oo gaartay 1,322,163 (Hal malyan, saddex boqol, labaatan iyo labo kun, boqol, lexdan iyo saddex kun), waxa uu ka tiro batay dalka Shiinaha oo uu kasoo ifbaxay bilawgii cudurkaan, waxaana laga helay 82,887 (Siddeetan iyo labo kun, Siddeed boqol, Siddeetan iyo todobo ruux)

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment