831 Views

Xaafadda Buula-xubey ee Degmada Wadajir oo daad ku fatahay oo galaaftay nolosha 9 qof, oo ay 7 kamid ah yihiin carruur

Xaafadda Buula-xubey ee Degmada Wadajir oo  daad ku fatahay oo  galaaftay nolosha 9 qof, oo ay 7 kamid ah yihiin carruur
____________________________________________________________________________

May 7, 2021

Waxaa magaalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay roob xooggan, waxa uuna Roobabkaas ay gaysteen qasaare aad u badan

Wararka ayaa sheegaya in Guri ku yaalla Xaafadda Buula-xubey ee Degmada Wadajir ay daad ku fatahay waxa uu galaaftay nolosha 9 qof, oo ay 7 kamid ah yihiin carruur, sida ay xaqiijiyeen Dadka deegaanka.

Geerida carruurtaan ayaa timid kadib markii Biyaha Roobka ay ka sare mareen guryo ay ku jireen oo dhagax ka sameysan balse dhul ahaan ka hooseeya waddooyinka biyo mareenada ah sidaasna daadka ugu rogmaday.

Sdoo kale Gurmad ay sameeyeen qoysaska deriska la ah dhibbanayaasha ayaa ku guuleystay in ay badbaadiyaan caruurta qaar, waxaana socda dedaal biyaha ay uga saarayaan Hoygooda si ay dib u deegaansadaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post