1329 Views

Masar oo weli Heysata markabkii Bishii Marso ku xannibmay Marinka Suweys

Masar oo  weli Heysata markabkii Bishii Marso  ku xannibmay Marinka Suweys
____________________________________________________________________________

May 24, 2021

Maxkamad ku taalla Masar ayaa diidday codsi uga yimid milkiilaha markabkii bishii March ku xannibmay Marinka Suweys, kaas oo uu ku dalbanayo in la sii daayo markabka.

Milkiilaha Markabka Ever Given ayaa doonaya in la sii daayo markabkiisa oo u xayiran kiis kale oo ay Maamulka Marinka Suweys ku doonayaan in magdhow laga siiyo lixdii maalmood ee uu markabku xannibay kanaalkaas.

Maamulka ayaa doonaya in markabka la sii hayo ilaa la bixiyo qeyb ka mid ah lacagta magdhowga.

Wuxuu maamulku ka doonayaa maamulaha markabka Ever Given, Shoei Kisen inuu magdhow ahaan u siiyo lacag dhan $916m (£647m).

Maamulka ayaa sheegay in lacagta magdhowga lagu bixinayo kharashkii ku baxay samatabixinta markabka, khasaarihii uu sababay iyo maraakiibtii ka weecatay kanaalka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post