4221 Views

Gabre oo laga wareejiyay howlihii uu ka hayay Arrimaha Soomaaliya

Gabre oo laga wareejiyay howlihii uu ka hayay Arrimaha Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho  | QOL | June 15, 2017— Dowladda Ethiopia oo xilligan ah shir gudoonka IGAD, ayaa dib ugu yeertay Colonel Gabre Egziabher Alemseged oo ahaa Lataliyaha siyaasadda xafiiska IGAD ee fududeeya nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaalida, taasi waxa ay ka dhigan tahay in ka sii shaqeyntiisa xafiiskaasi ay gebi ahaanba soo xirantay.

Sida wararku sheegayaan, ninkan oo shaki badan ku jirtay Jeneraalnimadiisa, ayaa hadana dad badan oo xog ogaal ahi waxay sheegeen in heerka darajadiisa ciidan ay ku sinanyahay. Colonel.

Gabre, ayaa dib uga howlgali doona laamaha sirdoonka Ciidamada qaranka ee Ethiopia, waxaana muddo ku dhow seddex sano lagu arkayay msraxa siyaasadda iyo ammaanka Soomaalida, taasi oo u fududeeyay xafiiska uu ka shaqeynayay.

Colenel Gabre ayaa ku taagan eedeymo ku tumasho xuquuqda aadanaha iyo musuq maasuq mudadii uu ka mid ahaa hoggaannada ugu sarreeya ciidamada Ethiopia ee howlgallada ka fulinayay Magaalada Muqdisho sanadihii 2006, 2007, 2009.

Sarkaalkan Ethiopian-ka ah ayaa sabab u ahaa in dad badan oo aan waxba galabsan oo shacbi ah lagu laayo waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya, waxaana dhacdooyinkii ugu muragada badnaa ay ahaayeen 18 ruux oo rayid ah oo gaari caasi ah wada saarnaa oo ciidankiisu ku gowraceen agagaarka carbiska iyo lafaha madaxyo dad dhintay oo laga helay garoonka weyn ee Stadium Muqdisho markii ciidankiisu ay dib uga baxeen dalka.

Colonel Gabre ayaa laaluush iyo baad lacageed ka qaadi jiray shirkado ganacsi oo ka jira Muqdisho si dhismayaasha ay leeyihiin uga nabad-galaan madaafiicda sida ba’an ay u ridayeen ciidankiisa, xilligii ciidamada Itoobiyaanka Muqdisho joogeen oo weliba qaar Soomaali ah ay la shaqeeynayeen!

Si kastaba ha ahaatee, is bedelkan lagu sameeyay dhamaan howl wadeenada ka shaqeynayay Xafiiska IGAD ee qeybta Nabadda iyo Dib u heshiisiinta ayaa ku soo aadaya, xilli Ergey cusub ay urur Goboleedka IGAD u soo magacawday Soomaaliya, kaasoo bedelaya ergeygii hore Maxamed Cabdi Afey, kasoo Soomaaliya iyo IGAD toona wax muuqdo u qabanin.

.

WQ:- Ali Omar Ghedi

______________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment