1581 Views

Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar oo shegay in arxan-darrada Israel iyo weerarada Gaza aan loo dul qaadan karin

Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar  oo shegay in arxan-darrada Israel iyo weerarada Gaza aan loo dul qaadan karin
____________________________________________________________________________

May 16 2021

Wasiirka Arrimaha Dibedda Qatar ayaa Sabtidii la kulmay madaxda siyaasadda ee Xamas, wuxuuna ku baaqay in Israel ay joojiso duqeymaha ay ka waddo Gaza, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

“Bulshada caalamka waa inay deg deg ugu dhaqaaqdaa in la soo geba-gebeeyo arxan-darrada Israel iyo weerarada joogtada ah ee ka dhanka ah shacabka Gaza iyo masjidka Al-Aqsa ee Qudus,” ayuu Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ku yiri bayaan uu soo saaray oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee QNA.

Waxa uu sidoo kale u xaqiijiyey hoggaamiyaha Xamas Ismail Haniyeh taagerada Qatar ee “walaalaheeda Falastiin”.

Kulankooda ayaa yimid ayada oo Israel ay maalmo duqeymo ka waddo magaalada Gaza oo ay ku xoogan yihiin Xamas, ayaga oo ka jawaabaya gantaallo ay kooxdan ku weerareyso Israel.

Rabshadaha ayaa markii koowaad ka dhashay isku dhac masjidka Al-Aqsa ku dhex-maray dibad-baxayaal Falastiiniyiin ah iyo ciidamada Israel.

Xamas ayaa Israel u qabatay waqti kama dambeys ah oo ay ciidamadeeda uga saarato Masjidka, waxayna markii ay sameyn weyday ay ku billaabeen weeraro gantaallo ah.

“Waan uga dignay in Masjidka Al-Aqsa uu yahay qad cas, waana u sheegnay Netanyahu: ‘ha ku cayaarin dab’,” ayuu yiri Haniyeh oo dibad-joog ku ah Doha, isaga oo la hadlay boqolaal dibad-baxayaal ah oo taageerayey Falastiin.

Qatar ayaa taageerta Xamas ayada oo gargaar iyo deymo malaayiin dollar ah siisa, sidoo kalena mararka qaar dhex-dhexaadisa ayaga iyo Israel.

AFP

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post