420 Views

Ruushka oo dhowr gantaal ku garaacay magaalooyin ku yaalla dalka Ukraine goor dhawayd

Ruushka oo  dhowr gantaal ku garaacay magaalooyin ku yaalla dalka Ukraine goor dhawayd
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 31, 2022

Ruushka ayaa dhowr gantaal ku garaacay magaalooyin ku yaalla dalka Ukraine, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Mayarka magaalada Vitaly Klischko ayaa sheegay in qaraxyo dhowr ah ay ka dhaceen caasimadda isla markaana ay ka dhasheen khasaare, waxaana ku dhintay ugu yaraan hal qof.

Dadka ku nool Kyiv ayaa gabbaad u raadsaday goobo gaar ah markii ay maqleen qalabka bixiyay digniinada.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka digay in Ruushka uu Ukraine ku qaadi karo weerarro hor leh xilligga dabbaaldegga sanadka cusub.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post