1197 Views

Cumar Filish oo eedeyn kulul u jeediyay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya

Cumar Filish oo eedeyn kulul u jeediyay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada ay caqabad ku heeyso Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ee dhawaanl agu wareejiyay Maamulka gobolka Banaadir.
Waxaa uu sheegay in wareejintaas ficil ahaan aysan dhaqan gelin,isla markaana uu rajeeynayo in waxaas oo dhan ay dhamaan doonaan, si Ubadka waxbarashada kujira ay houmar u gaaraan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa sheegay in  arday badan ay dhigato iskuulada Gobolka Banaadir, basle ay jiraan kuwo badan oo aan waxbaran dadkana dhibato ku haya.
Hadalkaan Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) waxaa uu ka sheegay munaasbad lagu soo bandhigayay natiijada Imtixaanka Fasalka 8aad ee Iskuulada Gobolka Banaadir.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post