1476 Views

SAWIRO:-Madaxweyne Farmaajo oo Xariga ka jaray labo Wado oo dib loo dhisay

SAWIRO:-Madaxweyne Farmaajo oo Xariga ka jaray labo Wado oo dib loo dhisay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 30, 2019—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laami ah oo isku xirta degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, taas oo loogu magac daray Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde.

Madaxweyanaha oo dul istaagay doorkii taariikhiga ahaa ee uu Abwaan Timacadde ku lahaa halgankii xornimo doonka iyo waqtigii dowlad dhiska Soomaaliya ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in aan xasuusanno halyeeyadii u soo halgamay xornimada dalkeenna iyo midnimada dadkeenna.

“Macno weyn ayay leedahay in aan xusno maanta halyeeygaas, annaga oo ugu magac darnay jidkan halbowlaha u ah Caasimadda. Runtii suugaanta uu nooga tagay Abwaan Timacadde waxa ay saldhig u ahayd dareenka waddaniyadeed ee dadkeenna.”

Dhanka kale, Madaxweynaha oo xarigga ka jaray Waddada Liido ee Degmada Cabdulcasiis ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaallada wax ku-oolka ah ee ay dib ugu dhisayaan kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan jidadka, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoogga saaraan bilicda iyo faya-dhawrka Caasimadda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment