939 Views

Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Diinsoor

Akhriso:-Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Diinsoor
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2019–Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhimatay magaalada Diinsoor kadib khilaaf ka dhashay beddelaad lagu sameeyey maamulkii magaalada oo isku beddelay gacan-ka-hadal sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta.

 

Dagaalka ayaa dhex maray ciidamada guddoomiyihii hore ee Diinsoor iyo ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa Amisom.

 

 

 

Dagaalka ayaa sida la sheegay yimid kadib markii guddoomiyihii hore ee Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow uu diiday xil ka qaadis lagu sameeyey.

 

Mas’uuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka ay laba askari ay kaga dhaawacmeen,waxaana guddoomiyihii degmada Diinsoor uu Magaalada isaga baxay,isla markaana qaar kamid ah ciidamadiisa ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliska eek u sugan degmadaas.

 

Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa ku sugan Xubno kamid ah Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed,kuwaas oo halkaasi tegay markii uu booqanayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment