279 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo lagu waddo in uu gaaro Degaanka Dhooblay.

Madaxweynaha Jubbaland oo lagu waddo in uu gaaro Degaanka Dhooblay.
____________________________________________________________________________

Axad: June 18, 2022

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan uu safar shaqo ku gaaro deegaanka Dhooblay ee gobolka Jubbada Hoose.

Ujeedka safarkaan ayaa ah sidii xal waaro looga gaari lahaa colaado soo noqnoqday oo u dhaxeeyo beelo walaalo ah oo halkaasi wada degan.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland uu kulamo kala duwan la qaato odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta degaanka Dhooblay iyagoona Wafdigan Madaxaynaha ay maalmaha soo socda sii joogteyn doona dhoobley

Sidoo kale Wafdi uu horkacayay wasiirka arrimaha gudaha federaalka Iyo dib u heshiisiinta Jubbaland Generaal Maxamed Warsame Darwiish islamarkaasina ay qayb ka ahaayeen, Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland  oo hordhac u ah safarka madaxweynaha Jubbaland uu ku tagayo Dhooblay ayaa halkaasi gaaray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post