828 Views

Guddoomiyaha Gaarisa oo Maxkamad loosoo taagay Musuq!

Guddoomiyaha Gaarisa oo Maxkamad loosoo taagay Musuq!
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 15 2020
—Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi Caasimadda dalka Kenya waxaa barqonimadii maanta la horgeeyay Guddoomiyaha Ismaamulka Gaarisa Cali Bunow Qorane oo shalay laga waday Magaaladaas.

Bunow ayaa loo heystaa dacwad ka dhan ah Musuq lagu eedeeyay kadib markii Koontada Dowladda uu ka saaray lacag loo qorsheeyay in lagu dhiso Suuqa Qoraxey iyo Waddooyin muhiim ah isu socodkooda.

Dacwad oogaha Kenya Nuurdiin Xaaji ayaa todobaadkaan jaray warqadda xiritaanka Cali Bunow Qorane Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa iyo rag oo katirsan maamulka la shaqeeya oo wax laga weydiinayo lacagtaas la musuqay.

Shalay waxaa waday Ciidamo Booliis ah oo xitaa ka reebay dadkii la shaqeynayay, saraakiishu waxa ay ku doodeen in ay heystaan warqad maxkamad oo ay ku xiri karaan Guddoomiyaha Gaarisa.

Markii maanta la horgeeyay Maxkamadda waxaa la weydiiyay musuqa lagu eedeeyay, balse waa uu ka jawaabay, isaga oo beeniyay dhammaan eedahaas, isla markaana iska difaacay su’aalaha kulkul ee la weydiinayay.

Maxkamadda Milimani ee Magaalada Nairobi waxaa joogay xubno kala duwan oo katirsan Dowladda Kenya sida xafiiska Dacwad oogaha iyo guddiga anshaxa iyo la dagaalanka Musuqa dalkaas u qaabilsan.

Lacagta lagu eedeeyay maamulka Cali Bunow Qorane ayaa gaareysa (233,506,000 Sh. Ke)  (Labo boqol, Soddon iyo saddex milyan, shan boqol iyo lex kun oo Kenya Shillin ah) una dhiganta ($2,153,489) (Labo Milyan, Boqol, toban iyo shan kun, afar boqol, siddeetan iyo sagaal  doolar).


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post