621 Views

Konfur Afrika oo Lagu dilay Maxamed Kiish oo kamid ahaa Odayaasha ugu magaca dheer somalida

Konfur Afrika oo Lagu dilay Maxamed Kiish  oo kamid ahaa Odayaasha ugu magaca dheer somalida
____________________________________________________________________________

Axad: October 10, 2021

 Allaha unaxariistee Waxaa xalay  Konfur Afrika Lagu dilay Maxamed Ismaaciil Kiish, oo kamid ahaa Odayaasha ugu magaca dheer Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Konfur Afrika, waxaana  lagu dilay Dukaankiisa oo ku yaalla Magaalada East London ee Dalkani Koonfur Afrika.

Dhagarqabayaal hubaysan ayaa Ganacsade Kiish Goobtiisa Ganacsi ugu galay oo Toogtay, islamarkaana dhacay Dukaanka, waxayna jebiyeen CCTV-da Dukaanka ku xirneyd, si aan loo aqoonsan, waxaana sidaasi xaqiijiyey mid kamida Soomaalida deegaanka.

Sidoo kale Booliska oo tagay goobga dilka kadib, ayaa wada baaritaano aan ka duwaneyn kuwii hore, xilli ay gacan ku dhiiglayaashii carareen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post