1146 Views

Mike Durant: Duuliyihii Mareykanka ee 11-ka maalmood u xirnaa tageeraayaasha Ceydiid oo xil sare u tartamaya

Mike Durant: Duuliyihii Mareykanka ee 11-ka maalmood u xirnaa tageeraayaasha Ceydiid oo xil sare u tartamaya
____________________________________________________________________________

Arbaco October 20, 2021

  Mike Durant oo horey duuliye uga ahaa mid ka mid ah diyaaradihii Black Hawk ee lagu soo riday magaalada Muqdisho, sannadkii 1993 ayaa shaaciyay in uu u tartamayo doorashada Aqalka Senet-ka ee la filayo in ay Mareykanka ka dhacdo sannadka soo socda, sida ay ku warrantay warbaahinta Alabama.

Mike Durant wuxuu ku dhawaaqay in uu ka qeyb qaadan doono doorashada isreeb reebka ee lagu soo baxayo tartanka doorashada Aqalka Senetka ee gobolka Alabama.

Ninkan ayaa markii uu ka fariistay shaqada militariga wuxuu u wareegay shirkad qaabilsan adeegyada injineeriyadda.

Wuxuu sheegay in noloshiisa uu ku bixiyay u adeegidda dalkiisa, haddana uu doonayo in uu u tartamo xil sare, baddalkii uu howlgab iska ahaan lahaa.

Bishii Oktoobar sannadkii 1993, Diyaaraddii Black Hawk ay la socdeen Durant iyo ciidamo kale ayaa lagu soo riday Muqdisho, ka dib dagaalkii 18-ka askeri looga dilay ciidamadii Mareykanka.

Durant ayaa muddo 11 maalmood ah, afduub ahaan loogu haystay magaalada Muqdisho, ka dib markii gacanta uu u galay ciidamadii Ceydiid.

28 sano ayaa ka soo wareegtay markii ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya ku sugnaa lagu dilay howlgalka oo ay sidoo kale waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay ciidamadii Qaramada Midoobay ee loo diray Soomaaliya.

Dhawaan ayay aheyd markii 18 askari oo ka tirsan ciidamadii Mareykanka ee Soomaaliya ka soo dagaallamay, loo kordhiyay darajada ciidannimo, taas oo u ah abaalmarin lagu sharfay.

Billadaha dallacsiinta askarta oo noocoodu yahay xiddigaha Qalinka ah ayaa la siiyay askartan oo 28 sano ka hor ka tirsanaa militariga Mareykanka qaybta saddexaad, guutada 75-aad, kuwaasoo horay u heystay billadaha xiddigaha maarta ah.

Ragga howlgabka ah ee billadaha la siiyay ayaa kala ah: Alan Barton, John C. Belman, Kenneth P. Boorn, James M. Cavarco, John M. Collett, Michael Collins, James C. Joyce, Brad M. Paulsen, Larry D. Perino, Robert R. Phipps II, Dominick M. Pilla, Randall J. Ramaglia Jr, John D. Stanfield, Michael Steele, Richard Storus, Jeffrey D. Struecker, Joseph F. Thomas iyo Sean T. Watson.

Dhammaan xubnaha la guddoonsiiyay abaalmarinta ayaa ahaa ciidankii ka baxay Soomaaliya ka dib dagaalkii 18-ka askeri looga dilay ee 1993.

Sidey ciidamada Mareykanka ku tageen Soomaaliya – Dagaalkii Ceydiid iyo Mareykanka

Sannadkii 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidammo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanka.

Dabyaaqadii sannadkii, 1992 – Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Howlgalkaasi uu Mareykanka hogaaminayay waxaa loogu magac daray “Hawlgalkii Rejo soo celinta”.

Sanaddii 1993 – Dowladda Maraykanka waxay hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey.

Wax badanba kama soo wareegan markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Janaraal ceydiid iyo ciidamadii shisheeye ee 35,000 ahaa ee dalka u tagay in ay nabadeeyaan.

Ceydiid wuxuu xilligaas haystay qaar ka mid ah goobihii muhiimka ahaa ee Muqdisho. Ka dib dhowr goobood oo uu Radiyow Muqdisho ka mid yahay ayey Mareylanka duqeeyeen.

Caradii ka dhalatay waxay sababtay in bishii June 1993, Taageerayaashii janeraal Caydid ay dagaal hubeysan kala hortagaan ciidanka Qaramada Midoobay. Weerar lagu qaaday ciidamadii Pakistan ee howlgalka qeybta ka ahaa, waxaa lagu dilay 24 askeri, illaa 60 kale ayaa la dhaawacay.

Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Janeraal Caydiid. Ciidanka Mareykanka ayaa gulufkaa colaadeed hoggaanka u qabtay.

3-dii October 1993, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal militari ka fuliyay bartamaha Muqdisho. Xilligaas waxa ay heleen xog sheegaysay in jeneraal Caydiid uu madax sare kula shirayay hoteel Olombik ee waddada Howlwadaag.

Waxaa howlgalkaa ka qeyb qaatay 19 diyaaradood, 12 gaari, 160 askari oo xaruntooda uga baxay in ay howlgalka muddo 90 daqiiqo ah ku soo fuliyaan.

Waxayse soo noqdeen 17 saacadoo kaddib.

50 daqiiqo markii uu howlgalka socay, diyaaraddii ugu horraysay ee blackHawk ayaa la soo riday. 20 daqiiqdo kaddibnaa diyaaraddii labaad ayaa dhulka la soo dhigay.

Ciidanka howlgalka galay ayaa la hareereeyay, ciidaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo soo badbaadiyo.

Wuxuu ahaa dagaal daba dheeraaday, oo habeenkii oo dhan socday, (illaa 06:30am xilliga Muqdisho).

Boqollaal Soomaali ah iyo 18 askeri oo Mareykan ah ayaa ku nafwaayay dagaalkaas. Qaar ayaa jidadka Muqdisho lagu jiidjiiday. Halkan mid kalena uu gacanta u galay ciidamadii Ceydiid, isagoo nool.

Dhacdada oo fajac ku noqotay Mareykanka waxay soo dedejisay in ay gebi ahaanba isaga baxeen dalka. Gargaarkii Bini’aadannimana gaabis ayaa ku yimid.

Markii dambe dagaalkii muqdisho waxaa laga sameeyay filim la baxay “Black Hawk Down”.

Mareykanka waxay ku guuldareysteen in ay gacanta ku soo dhigaan janaraaal Maxamed Faarax Ceydiid.

Bishii March, 1994 – waxaa si rasmi ah loo soo afjaray hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya.

1 bishii August , 1996 – Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray, dagaal dhexmaray isaga iyo Cusmaan Caato.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post