3966 Views

“Fikirka ay Kenya Soomaaliya u soo gashay, ma ahan inay dhul qaataan, Amnigooda qatar ku jira”

“Fikirka ay Kenya Soomaaliya u soo gashay, ma ahan inay dhul qaataan, Amnigooda qatar ku jira”
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 14, 2015 —Ninka ka taliya Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si la yaab leh  mar kale u difaacay qorshaha ay Ciidamada Kenya ku soo galeen Soomaaliya, isagoo ka hadlay muranka ka taagan Darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda, is markanaa muujiyay in uu raacsanyahay Darbiga laga dhisaayo dhulka Somaalia ee xuduudka ah.

Axmed Madoobe oo ku sugan Nairobi ayaa uga hadlay arrinta xuduuda si ka duwan sidii ay maalmahan uga qeyla-dhaaminayeen siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in kenya ay mudan tahay in loo mahad celiyo, maadaama Soomaali fara badan ku sugan yihiin xeryaha qaxooti iyo Nairobi.

“Kenya waxay naga mudan tahay inaan dhahno waa mahadsan tihiin, kumanaan qaxooti oo Soomaali ayaa ku sugan Xeryaha qaxootiga, Nairobi waa joogaan, ma ahan in hal mar colaad la abuuro Kenya iyo Soomaaliya, taas waa jisaarnimo, wixii dhul ku saabsan si degan ayaa looga hadlayaa, Kenyana waa lagala hadlayaa”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay in Guddi xaqiiq raadin ah arrinta loo dro, si loo xaqiijiyo, waxaana uu tilmaamay in aanay sax aheyn in la lumiyo masaaliixda Soomaaliyeed.

“Waxaa rabnaa in arrinta jirta in Guddi xaqiiq raadin ah oo aan anaga ka mid nahay loo diray, inay tagaan meesha, xuduuda meelna kama qaloocsami karo, waa la yaqaan, ma ogolin hal taako, cid aan kula shirkoobeyno ma jirto, aniga iyo Kenya kuma heshiin inay hal mitir oo Soomaaliya ka mid ah inay qaataan, fikirka ay u soo galeena ma ahan inay dhul qaataan, waa amnigooda ayaa qatar ku jira”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Amniga Soomaaliya uu Kenya amnigeeda ku jiro, isla markaana aanay jirin wax intaas dhaafsiisan.

Fikrada Axmed Madoobe ayaa ka duwan tan Barlamaanka Federaalka iyo shacbiga soomaaliyeed ay beryahaan ku dhawaaqayeen.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment