816 Views

Wiil Madoow oo xabsiga la dhigay kadib markii lagu qalday oday caddaan ah

Wiil Madoow oo xabsiga la dhigay kadib markii lagu qalday oday caddaan ah
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 26, 2022

Nin madow ah oo ku nool gobolka Nevada ee dalka Mareykanka, ayaa muddolix maalmood xabsi ku jirey, kadib markii booliisku uu ku kahay ama ku khalday tuhmane ay isku magac yihiin oo caddaan ah, oo laba jibaar ka weyn dadiisa.

Shane Lee Brown, oo 25 jir ah, ayaa la xiray ka dib markii uu ku guul dareystay inuu muujiyo sharciga wadista gawaaridda. Baaritaan ay sameeyeen Booliiska Las Vegas, ayaa waxay ogaadeen dacwad kadhan ah magaciisa, laakiin dacwadaasi ayaa laga gudbiyay Shane Neal Brown, oo ah nin caddaan ah, oo da’diisu tahay 51 sano jir, balse ay magaca un iska shabahaan.

Ninka da’da yar laguma soo oogin wax dambi ah, balse waxaa uu haddadalbaanayaa magdhow.

Afhayeen u hadashay magaalada Henderson, ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegtay in ninkan dhalinyarada ah si sharci ah loo xiray, oo danbiga lagu heystay uu ahaa mid la xiirara sharciga wadista gaawarida, isagoo sitay warqadda ruqsada gaari wadista oo la hakiyay.

Dacwadda ayaa lagu sheegtay in saraakiishu ay si khaldan ugu maleeyeen in Mr Brown uu yahay Shane Neal Brown, oo ah nin cad oo timo bunni ah leh, indho buluug ah garna leh da’diisuna tahay 51 jir ah.

Markii ugu horeysay dambi uu geystay loona xiray, ayaa aheyd 1994-tii, kahor inta uusan dhalan Mr Brown oo hadda lagu khalday, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka.

Office Nairobi Kenya


_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post