2433 Views

Maydka Injineerkii Mashruuca Biyo-Xireenka weyn ee Ethiopia oo la helay

Maydka Injineerkii Mashruuca Biyo-Xireenka weyn ee Ethiopia oo la helay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 26, 2018 –  Engineer Simegnew Bekele oo ahaa Maskaxda Dhismaha Biyo-xireenkaasi ayaa la sheegay in maydkiisa saakayto laga dhex helay gaarigaasi oo yaallay Fagaaraha Meskel ee bartamaha Addis Abeba.

Idaacadda FANA oo taabacsan Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay inaan la ogeyn waxa sababay geeridiisa, waxaana socdo baaritaanka dilkaasi.

Simegnew Bekele  waxa uu ahaa Maareyihii Mashruuca Biyo-xireenka loogu magac daray Dib-u-curashadda Ethiopia, (the Grand Ethiopia Renaissance Dam (GERD),  kaasi oo laga dhisayo Galbeedka Ethiopia, wuxuuna noqon doontaa Biyo-xireenka ugu weyn Qaaradda Afrika oo dhan.

Dhismaha Biyo-xireenkaasi oo la bilaabay sannadkii 2011-kii waxaa ku baxaysa kharaj dhan 4.7 Billion oo Dollar, waxaana la filayaa inuu soo saaro Koronto awoodeedu dhan tahay 6,000 oo megawatts.

Dowladaha Masar iyo Suudaan waxay qeylo-dhaan ka keeneen inuu Biyo-xireenkaasi wax u dhimayo Saamiga Biyaaha ee ay ka helaan Webiga Nile oo ka soo faruurma Ethiopia.

medka-ingineer-itoobiyan-4 medka-ingineer-itoobiyan-3 medka-ingineer-itoobiyan-2 medka-ingineer-itoobiyan-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment