1758 Views

Wararka SAWIRO:-Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga Dhexe oo Maanta xilka la wareegay

Wararka SAWIRO:-Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga Dhexe oo Maanta xilka la wareegay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 21, 2019 –Munaasabad Maanta lagu qabtay Magalada Muqdisho ayaa waxaa xilkii kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo dhawaan  Golaha Wasiirada Soomaaliya ansixiyeen.

 

Gudodomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee waqtigiisa uu dhamaaday Bashiir Ciise Cali ayaa sirasmi ah xilka ugu wareejiyey Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi.

 

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaradad Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,waxaana uu ugu hambalyeeyey Gudodomiyaha Bangiga dhexe xilka Cusub ee loo Magacaabey.

 

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay si dhow ula Shaqeyn doonaan Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya,isaga oo u rajeeyey guul.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment