999 Views

Baadi-goob loogu jiro Ganacsade Soomaali ah oo lagu Afduubtey Koonfur Afrika

Baadi-goob loogu jiro Ganacsade Soomaali ah oo lagu Afduubtey Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 22 -2020—Rag hubeysan oo watay Gaari nooca raaxada ah ayaa waxaa ay Nin Ganasade Soomaali ah Caana ahaa ka afduubteen Xaafada Alexandre ee dalka Koonfur Afrika.

 

Ganacsadaha oo Magaciisa lagu sheegay Cabdi Waxiid ayaa ilaa iyo hadda la ogeyn halka lala aadey,waxaana ganacsatada kale ee ku sugan dalkaas ay sheegeen in uu yahay Aas aasaha Shirkada ganacsi ee Salahudiin oo Ganacsiyo waaweyn ku leh dalkaas.

 

 

 

Soomaalida ku nool Koonfur Afrika ayaa waxaa ay arrintaan ku wargeliyeen Booliska dalkaas,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in uu socdo baaritaano ku aadan sida lagu heli lahaa.

 

Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegeen inay cabsi soo wajahdey,kaddib markii uu bilaawdey afduubka Ganacsatada Soomaalida.

 

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka ugu badan ee dilalka iyo boobka hantiyadeed loogu geyst Soomaalida,waxaana ka hadlin dowladaha Soomaaliya iyo koonfur Afrika.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment