1317 Views

Ammaanka Nairobi oo la adkeeyay kaddib digniin la soo saaray

Ammaanka Nairobi oo la adkeeyay kaddib digniin la soo saaray
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco  , Feberaayo 24, 2020 —Dowladda Kenya ayaa waxaa ay siweyn u adkeysay Amniga Magalaada Nairobi ee Caasimadda dalkaas,kadib warkii kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Nairobi kaas oo ku saabsanaa digniin la xiriirta inay dhici karaan weeraro ay Al-Shabaab fuliyaan.

 

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Kenya ayaa lagu arkayaa Magaalada Nairobi oo Soomaali farabadan ay degan tahay,waxaana la sheegay in mararka qaar ay baaritaano ku sameynayaan Gaadiidka kala duwan ee gobolada kale kasoo galaya Magaalada Nairobi.

 

 

 

Qoraalkii kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in xog la helay oo sirdoon ay sheegeeyso in la weerari doono mid kamid ah Hoteelada ugu Caansan Magaalada Nairobi balse aan Magaciisa la shaacin.

 

Abaanduulaha booliska Mr. Hillary Mutyambai ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Nairobi inay muujiyaan feejignaan dheeri ah,isla markaana ay la Shaqeeyaan Saraakiisha ee ku holan sugida Amniga.

 

Si kastaba ka sokow digniintii ay soo saartey safaaradda Maraykanka ee Nairobi iyo feejignaanta Ciidanka Amniga Kenya ayaa waxaa jirtay in Al-Shabaab ay weerar dhaliyey khasaaro kala duwan ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee Magaalada Nairobi horaantii Bishii Janaayo sanadkii tegay ee 2019.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment