1149 Views

Maxaa looga hadlayaa Shirka Maanta ka furmaya Muqdisho?

Maxaa looga hadlayaa Shirka Maanta ka furmaya Muqdisho?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 1, -2019 —Magalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in Maanta oo Talaado ah in uu ka furmo Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya,waxaana ka qeyb-geli doona in ka badan 50 Dowladood oo dhammaan taageera Soomaaliya, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Maamul goboleedyada ka jira dalka qaarkood.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  ayaa Maanta daah furi doona shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaali (SBF) oo socon doona muddo laba maalin ah.

 

Qodobada shirka looga hadli doono mudada labada maalin ah ee uu socon doono ayaa waxaa kamid ah, horumarinta dalka Soomaaliya gaar ahaan,Amniga, Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada, Siyaasadda iyo Cadaaladda.

 

Maalinta labaad ee Shirka ayaa waxaa ku soo biiri doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyaga oo halkaasi khudbado ka jeedin doonaan.

 

Waa Shirkii ugu horeeyay oo noocaan oo kale ah oo lagu qabto Magalada Muqdisho,waxaana shirkaan kii ka horeeyay lagu qabtay 16 Luulyo ee sanadkii 2018 magaalada Brussels, iyada oo uu shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Guuleed.

 

Ammaanka Guud ee Magalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyada oo wadooyinka qaar la xiray,waxaana shirkaan oo Berri la soo geba-gabeyn doono laga soo saari doonaa Warmurtioyeed sidoo kale qaar kamid ah Madaxda wadamada kasoo qeyb-galay ay balan qaad u sameyn doonaan Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment